Mr Blinken iyo martigeliyaha, Abdel Fattah El-Sisi, ayaa si kooban warbaahinta uga soo muuqday iyagoo ku sugan magaalada El-Alamein ka hor inta aysan wada hadalku billaaban.
Waxaa sidoo kale halkaasi ku sugan madaxa sirdoonka Masar, Cabbaas Kamel, oo si weyn ugu lug lahaa wada xaajoodka Israel iyo Xamaas.
Blinken ayaa sheegay in Israa’iil ay aqbashay waxa uu ugu yeeray “soo jeedin isa soo tareysa”. Waxaa uu Xamaas ku booriyay inay sidaas oo kale sameeyaan, balse ma jirto wax faah faahin ah oo qorshahan la xirriira oo si rasmi ah loo shaaciyay.