Heemaal News Network

Mareykanka iyo Qadar Oo Gaadhay Iskaashi Amni iyo dhaqaale Oo ku kacaya balaayiin doollar

Mareykanka iyo Qadar ayaa gaadhay Iskaashi Amni iyo dhaqaale oo ku kacaya balaayiin doollar; iyada oo Qadar Airways ay 160 diyaaradood oo qiimahoodu gaadhayo $200 bilyan ka iibsanayso shirkadda Mareykanka ee Boeing – waa dalabkii ugu weynaa abid ee Boeing ay hesho!

Trump ayaa Sucuudiga ka heley maalgelin $600 bilyan & ka badan ah, haatanna Qadar waxay ku bilowday $200 bilyan; waxa uu ku sii jeeda Imaaraadka Carabta oo iyana maalgelin kale diyaar ula ah Mareykan.