Heemaal News Network

Mareykanka: “Ma Aqbali karno Dagaal Dhexmara Somalia Iyo Itoobiya”

Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley oo la hadlay VOA ayaa iftiimiyay dadaallada diblumaasiyadeed ee socda iyo caqabadaha amni ee ka dhashay MoU-gii Itoobiya la saxiixatay Somaliland kaasoo dhaliyay khilaaf ba’an oo u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya iyada Maraykanku uu sheegay inuu samaynayo dadaalo diblumaasiyadeed oo lagu xalinayo khilaafka.

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa waxaa u dhexeeya khilaaf dhashay bilowgii sanadkan markii Itoobiya ay heshiis is afgarad ah la gashay Somaliland, heshiiskaasoo ay Soomaaliya u aragtay mid meel ka dhac ku ah qaranimadeeda.

Heshiisku waxa uu Itoobiya siinayaa xuquuq ay ku kireynayso qayb weyn oo ka mid ah xeebaha Badda Cas ee Soomaaliya.

Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya Riley ayaa sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay inay helaan go’aano nabadeed iyo in dowladda Soomaaliya laga taageero la dagaalanka argagixisada.

“Aad ayaan uga warqabnaa oo waxaan si wada jir ah uga shaqeyneynaa in aan hubinno in xal diblumaasiyadeed laga gaaro xaaladdan hadda jirta,” ayuu yiri. “Waa xaalad nasiib-darro ah, dhib badan, oo ku bilaabmay Is-fahamka Somaliland iyo Itoobiya. Dabcan, ma aqoonsanin, waxaana isku dayeynaa inaan ku xalinno dariiqyo diblomaasiyadeed” ayuu intaas ku daray

Turkiga oo ah saaxiibka muhiimka ah ee Soomaaliya ayaa isku dayaya inuu dhex dhexaadiyo khilaafka u dhexeeya dalalka deriska ah, isagoo laba wareeg oo wada hadal ah ku marti-galiyay Ankara heshiis la’aan labada dhinac.

Wasiirada arrimaha dibadda ee Itoobiya iyo Soomaaliya oo dalalkooda ku matalay shirka ayaan wax wada hadal ah yeelan. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa u kala dab qaadayay.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan ayaa ku tilmaamay wada-hadallada xilligaasi inay ahaayeen kuwo “saraaxo leh, niyad-sami iyo aragti fog leh.

Cabdiraxman Ceynte, wasiirkii hore ee qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya oo wada xaajoodka qeyb ka ahaa ayaa sheegay in waxa kaliya ee ay labada dhinac ku heshiiyeen ay tahay in dib la isugu soo laabto 17-ka September.

“Arrinta udub-dhexaadka ahi waxa ay tahay Itoobiya oo diiday in ay baabi’iso heshiiskii is-afgaradka ahaa ee ay la gashay Somaliland, kaas oo ah mawqifka Soomaaliya, haddii ay Itoobiya ku sii adkaysato mawqifkeeda ah in aanay ka bixin heshiiskaas, waxa aan filayaa in aanay jirin wax laga filayo wada-hadallada labada dal. ” ayuu yiri Caynte.

Falanqeeye kale oo la hadlay VOA horraantii sannadkan, Cameron Hudson, oo ah cilmi-baare ka tirsan xarunta istaraatiijiyadda iyo daraasaadka caalamiga ah ee fadhigeedu yahay Washington, ayaa su’aal galiyay sida ay uga go’an tahay Mareykanka iyo awoodda uu u leeyahay inuu qaboojiyo xiisadaha ka taagan gobolka aan xasilloonayn ee geeska Afrika.

Waxaa sii kordhaya cabsida laga qabo in xiisadaha ka taagan Soomaaliya ay isku badalaan dagaal hubeysan oo u dhaxeeya ciidamada Itoobiya ee haatan ku sugan Soomaaliya iyo Soomaalida.

Riley wuxuu sheegay in iska horimaadka noocaas ah uu yahay “wax aan la aqbali karin.”

“Qofna ma aqbali karo in uu jiro nooc kasta oo iskahorimaad ah iyo dagaal midna,” ayuu yiri. “Taasi waa sababta qof kasta oo ka tirsan beesha caalamka uu ugu shaqeeyo si aan kala joogsi lahayn. Hubaal waxaan ka nimid Maraykanka iyo Washington, si aan u helno xal sax ah oo ku saabsan khilaafkan u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya. Tani gabi ahaanba waa loo baahan yahay. Si degdeg ah ayaa loogu baahan yahay, si loo hubiyo in la helo xal dublamaasiyadeed oo sax ah.” ayuu yiri danjiraha.

Ciidamada Itoobiya ayaa ka mid noqday howlgalka Midowga Afrika ee loo yaqaan ATMIS ee Soomaaliya bishii Janaayo 2012. Howgalkan, ugu yaraan 3,000 oo askari oo Itoobiyaan ah ayaa si rasmi ah uga diiwaangashan howlgalka nabad ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya. 5,000 ilaa 7,000 oo askari oo dheeraad ah oo Itoobiyaan ah ayaa ku sugan gobollo dhowr ah oo aan ka mid ahayn howlgalka AU-da.

Bishii hore, Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa meel mariyay qaraar tirsigiisu yahay 2748, kaasoo u ogolaanaya ciidamada ATMIS inay sii joogaan Soomaaliya illaa December 2024-ka.

Soomaaliya ayaa sheegtay in dhammaan ciidamada Itoobiya ay dalka ka baxaan dhamaadka sanadka 2024-ka, gaar ahaan marka uu dhamaadka waqtiga ATMIS-ka.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa bishii hore sheegay in ciidamada Itoobiya aysan qeyb ka noqon doonin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ee AUSSOM, haddii aysan Itoobiya ka bixin heshiiska is afgaradka ee muranka dhaliyay.

Safiirka Maraykanka ayaa sheegay in dalkiisu yahay deeq bixiyaha ugu weyn ee Soomaaliya iyo saaxiibada dhanka ammaanka ah, isaga oo bixinaya tobanaan balaayiin doolar sanadihii lasoo dhaafay oo isugu jiray ciidamo, qalab iyo maalgelin. “Maraykanku, tusaale ahaan, waxa uu cafiyey in ka badan $1 bilyan oo deyn madax-banaan oo Soomaaliyeed ah,” ayuu yiri.

Wuxuu intaas ku daray in Mareykanku uu taageero buuxda siin doono howlgal kasta oo ujeedkiisu yahay in Soomaaliya laga dhigo meel nabdoon.

“Waxaan mar walba si xooggan u taageernay ciidamada ATMIS ee hadda jooga halkan. Waxaan aad ugu mahadcelineynaa wadamada ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya, kuwaas oo siinayay ciidamo geesiyaal ah sanado badan si ay u caawiyaan dowladda federaalka ah si ay xasilooni iyo amni ugu soo celiso halkan,” ayuu yiri Riley. “Waxaan rajaynaynaa in kala-guurkan uu noqdo mid sax ah, oo si wanaagsan loo soo agaasimay, oo uu noqdo mid hufan, oo shaqadiisa qabta. Taasi waa arrinta ugu weyn ee lagu hubinayo in waajibaadka ciidamada dabagalka ee hoos yimaada AUSSOM ay ku habboonaan doonaan baahida.”

Laba arrimood oo degdeg ah

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka jiraan caqabado muhiim ah oo Mareykanka uu doonayo in uu dalka ka caawiyo.

“Waxaa jira laba arrimood oo degdeg ah: in la xaqiijiyo in ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo ciidamada qalabka sida oo ay ku jiraan booliska ay helaan dhammaan agabka ay u baahan yihiin si ay ula dagaalamaan kooxaha argagixisada ah sida AS iyo Daacish,” ayuu yiri. “Caqabadda kale ayaa ah in la hubiyo in dhaqaalaha Soomaaliya uu sii socdo, iyadoo maalgashi badan iyo isku xirka suuqyada caalamiga ah. Soomaaliya waxay u baahan tahay amni jireed iyo mid dhaqaale labadaba.”