Agabkan ciidan ayaa wuxuu kor u qaadi doonaa xirfada iyo hawlgalada ciidanka kamandooska Danad ee xoogga dalka Soomaaliyeed, wuxuuna door weyn ka qaadan doonaa hawlgalada dalka looga xoraynayo al shabaab sidoo kalena kordhinayaa wax ka qabashada caqabadaha Amniga dalka.
“Wasaaraddu waxay si gaar ah u soo dhoweynaysaa taageerada agabka ee maanta la guddoonsiiyay Ciidamada Kumandoosta Danab, taas oo si weyn kor ugu qaadaysa xirfadohooda howlgal ee la-dagaallanka argagixisada, kana caawinaysa kordhinta awoodda Ciidanka Qaranka ee wax ka qabashada caqabadaha amniga dalka”ayaa lagu yiri warmurtiyeed ka soo baxay wasaaradda gaashaandhiga.
Dowladdaha Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa leh iskaashi dhanka Ciidanka ah kaas oo lagula dagaalamayo kooxaha al shabaab iyo iskaashiga Amniga gobolka geeska Afrika