Wasiirka oo maanta Barlamaanka Mareykanka hortagay ayaa sheegay in ay jiraan caalaamado badan oo muujinaya qorshaha Iran oo ah in ay samaysato hubka nukliyeerka. Iran ayaa si joogto ah u beenisa in ay rabto hubka nukliyeerka, laakiin aysan cidna kala tashaneyn in ay ku hormarto taknoolajiyadda nukliyeerka.
Mareykanka iyo Israa’iil ayaa hore ugu eedeeyey in Ciraaq ay haysato hubka nukliyeerka, kaas oo horseeday in Mareykanka, NATO, iyo xulufadiisa Bariga Dhexe ay ku duulaan Ciraaq, lana gumaado dad ka badan milyan. Sidoo kale, Libya oo lagula heshiisyey hub-ka-dhigis nukliyeerka waxaa sidoo kale ku duulay NATO, waxaana lagu dilay hoggaamiye Qaddafi oo Afrika oo dhan aad looga qadarin jiray, Libya oo ahayd dalka ugu hormarsan Afrika ayana waxaa kaga dhigay dalka ugu liita Afrika.
Iran ayaa ah dalkii 7aad ee Muslim ah ee ugu danbeeyey ee la qorsheeyey sannadkii 2001 in la weeraro oo dhulka lala simo. Lixda dal ee kale ee sannadkii 2001 Mareykanku qorsheeyey in lagu duulo ayaa kala ah Soomaaliya, Suuriya, Libya, Iraq, Sudan iyo Lebanon. Wararkii ugu danbeeyey ee ka imaanaya aagga Lebanon ayaa la sheegay in Isra’iil iyo Suuriya ay qorsheynayaa in ay Xisbullah iyo Lebanon kaga soo duulaan laba aag.