Heemaal News Network

Mareykanka Oo Dacwad kusoo Oogay Shirkadda Apple

Mareykanka ayaa dacwad taariikhi ah ka gudbiyay shirkadda Apple, taasoo ku eedeyay shirkadda weyn ee teknolojiyadda in ay isku koobtay suuqa casriga ah ayna burburisay tartanka.

Waa markii saddexaad ee shirkadda ay dacweeyaan waaxda caddaaladda tan iyo sanadkii 2009, laakiin waa markii ugu horreysay ee la dacweeyo maamulka hadda jira.

Isagoo ka hadlayay shir jaraa’id daqiiqado ka hor, Xeer Ilaaliyaha Guud Merrick Garland ayuu ku eedeyay shirkadda Apple in ay iskasii wadato awooddeeda suuqa taleefoonnada casriga ah iyada oo “ku xirtay macaamiisheeda” “kana xirtay tartamayaasha”

Iyadoo eedeyntaasi ka jawaabaysa, Apple waxay sheegtay, “haddii laga guuleysto, waxay caqabad ku noqon doontaa awooddeena inaan abuurno nooca tignoolajiyada ay dadku ka filayaan Apple”

Apple waxa ay hore u wajahday dacwooyin kale, laakiin tani waa mid ka mid ah dacwadii ugu weyneyd ee ay wajahado.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Wasiirka Gaashaan-dhiga Oo Maraykanka kala Hadlay Arimaha Amniga Somaliya.(Sawiro)

Heemaaln

Madaxweyne Biden Oo u Hanjabey Benjamin Netanyahu

Heemaaln

Xuutiyinta Oo Gantaal Ballistic ah ku weeraray Markabka Dagaalka USS Laboon

Heemaaln