Wararka hadda soo dhacaya ayaa sheegaya in guri dabaqa oo Sanca ku yaal ay haleeleen gantaalada Mareykanka. Warar hordhac ayaa sheegaya in 7 haween ah iyo 2 carruur ahi ku dhaawacmeen. Waxaa kale oo duqeynta lala beegtay hool xafladaha arooska oo maran, lamana sheegin cid waxyeelo ka soo gaareen.
Dhanka kale, Trump oo sii wada hantaaticiisii maalinlaha ahaa ayaa Iran ugu hanjabay in haddii aysan joojin taageerada ay siiyaan Yemen uu bilaabi doono in uu ayagana duqeeyo.