Heemaal News Network

Mareykanka Oo Dalbaday In la Joojiyo Taageerda Dhinacyada Sudan ku Dagalamaya

Mareykanka ayaa ka codsaday dhammaan dalalka oo ay ku jirto Imaaraadka Carabta, inay joojiyaan taageerada ay u fidinaya dhinacyada isku haya Suudaan.

In ka badan siddeed milyan oo qof ayaa ku barokacay muddada sannadka ah dagaalka u dhexeeya ciidammada Suudaan iyo kuwa taageerada degdegga ah ee RSF.

Labada dhinac ayaa lagu eedeeyay inay geysteen xadgudubyo, waxaana jira walaac caalami ah oo weyn oo ah in RSF ay qorsheyneyso inay isku daydo inay qabsato magaalo ku taal galbeedka gobolka Darfur.

Safiirka Maraykanka u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in taariikhdu ay dib isku qoreyso Daarfuur sidii ugu xumayd. Linda Thomas-Greenfield waxa ay ka warantay dilalkii salka ku hayey isir naceybka ee labaatan sano ka hor ka dhacay gobolkan galbeedka Sudan.

Waxay sheegtay in mar kale tuulooyin ku dhow Al-Fashir ay dhulka la simeen RSF-ta iyo maleeshiyaadka huwanta ah waxayna ka digtay weerar lagu soo qaado magaalada guud ahaan magaalada.

Saraakiisha Mareykanka waxay rajeynayaan inay ku qanciyaan Imaaraadka Carabta inay joojiyaan taageerada ay siiyaan RSF.