Jen. Michael Langley, waxaa kaloo uu guddiga u sheegay inuu Mareykanka ballaarin doono howlgallada ka dhanka ah Al shabaab , isagoo intaa ku daray; “ Madaxweynaha iyo xoghayaha difaaca waxay i siiyeen awood la ballaariyay oo suuragelinaysa si xooggan oo dhaqso ah inaan u beegsano oo garaacno.”
Mareykanka wuxuu u muuqda inuu la qaatay dawladda Soomaaliya, walaaca ay ka muujisay dhaqdhaqaaqa soo cusboonaaday iyo khatarta Al shabaab, iyadoo hadalka uu ku soo aadday xilli warbaahinta maxalliga ah ay ku warramayso inay Soomaaliya qeyb ka noqon karto duullaanka Mareykanka ee ka dhanka ah Xuutiyiinta, markaasoo ay Soomaaliya qaadanayso doorka bixinta saldhigyo istaraatiji ah oo laga weerarrayo ama lagala soconayo kooxda Xuutiyiinta Yemen, inkastoo aysan saraakiisha Soomaaliya xaqiijin.