Mareykanka wuxuu u muuqdaa inuu ku guul-darraystay heshiiskii uu doonayay in lagu joojiyo dagaalka Lubnaan, kaddib markii goor dhow shabakadda Axios ay ku warrantay inuu joojiyay booqasho uu Lubnaan ku tagi lahaa la-taliyaha arrimaha bariga dhexe ee Biden, Amos Hochstein oo maanta Netanyahu kula kulmay Qudus.
Biden ayaa iskudayay in nooc heshiis kumeel-gaar ah laga gaaro dagaalka bariga dhexe maalmaha doorashada iyo muddada uu wareejinayo xafiiska, balse hadda taa ayaa u muuqata inaysan suragal noqon karin, wuxuuna ka tagi doonaa xafiiska qof walba oo ku dhaleeceynaya inuu ku guul-darraysatay xal u helida dagaalka bariga dhexe, iyadoo saacadihii hore ee maanta ay ku warrantay shabakadda CNN in Netanyahu uu sugayo natiijada doorashada Mareykanka , ka horna ma jiro rajada heshiis uu oggolaan karo si loo joojiyo dagaalka Lubnaan iyo Qasa, iyadoo xataa khasaare aysan horey u arag ay la kulmayso Israa’iil.