Heemaal News Network

Mareykanka Oo meesha ka saaray xXabbad-joojin waqti dhow ka Dhici karta Qasa,

Mareykanka ayaa meesha ka saaray xabbad-joojin waqti dhow ka dhici karta Qasa, markii xalay uu Biden saxafiyiinta u sheegay in aanu filaynin in uu arko heshiis xabbad joojin ah oo Qasa laga hirgeliyo mustaqbalka dhaw, wuxuu intaa ku daray; “Ma lumin rajo.”

Toddobaadkii hore Biden , ayaa ku dhawaaqay soo jeedin heshiis xabbad-joojin ah oo uu sheegay inay oggalaatay Israa’iil, kaa oo sidoo kale ay ansixiyeen Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay , waxaana si dhaqso ah u taageerray Xamaas, balse Israa’iil ayaa diidday.