CBS News, ayaa sidoo kale saraakiil ka tirsan Mareykanka ka soo xigatay inay Liibiya ku jirto toddobo waddan oo maamulka Trump ay u gudbiyeen codsi la xiriir inay dib u dejin u sameeyaan muhaajiriinta sharci darrada ku joogta Mareykanka. Dalalka kale ee la filayo Mareykanka inuu dadka u tarxiilo waxaa ku jira ; Rwanda oo xaqiijisay inay wada-hadallo bilow ah kula jirto Mareykanka ,halka Benin, Angola, Equatorial Guinea, Eswatini, iyo Moldova ay iyaguna qeyb ka yihiin dalalka uu Mareykanka u tarxiilayo dadka sharci darrada ku jooga.
Ujeeddada qorshahan ayaa lagu sheegay inay maamulka Trump ka doonayaan inay si dhaqso ah u awoodaan muhaajiriin badan inay ka saaraan Mareykanka , iyagoo aan sugin in waddamada ay ka soo jeedaan ay oggolaasho ka helaan.