Heemaal News Network

Mareykanka Oo Qadar U Oggolaaday inay Maalgeliso Hay’adaha Dawladda Suuriya

Mareykanka ayaa u oggolaaday inay Qatar maalgeliyo hay’adaha dawladda Suuriya oo ay ku jirto inay Qatar bixin doonto mushaaraadka shaqaalaha hay’adaha dawladda Suuriya oo la kordhiyay 400%, taasoo loola jeedo qofkii horey u qaadanayay mushaar $100, hadda wuxuu qaadan doonaa mushaar $400 ah.

Tallaabadan ayaa la sheegay inay u suragelinayso dawladda uu hoggaamiyo Axmed Sharac, inay hesho habab ay ku horumariso dhaqaalaha iyo adeegga hay’adaha dawladda, iyadoo Mareykanka uu ka qaaday hindisadaha dawladda Qatar ay ku maalgelinayso hay’adaha dawladda Suuriya inuu la kulmo cunshuurta Mareykanka uu horay Suuriya u saaray tan iyo maamulkii hore ee Bashaar Al Assad, sida ay ku warrantay wakaaladda wararka ee Reuters.