Heemaal News Network

Mareykanka Oo si weyn Uga Walaasan in Gantaalada Iran loo Wareejiyo Ruushka

Mareykanka ayaa si weyn uga walaacsan in boqolaal gantaalada meelaha fog gaara ee Iran in loo gudbiyo Ruushka, sidaasina waxaa sheegay afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Vedant Patel.

“Waxaynu ka digeynaya xiriirka ammaan ee qotada dheer ee ka dhexeeya Iran iyo Ruushka” ayuu yiri afhayeenka.

“Iskaashigaas waxa uu khatar ku yahay ammaanka Yurub”

Patel waxa uu sheegay in Mareykanka iyo saaxiibadii ay diyaar u yihiin in ay ka bixiyaan jawaab adag oo degdeg ah hadii kala gudbinta gantaalada lagu dhaqaaqo.

Mareykanka ayaa hore ugu eedeeyay Iran in ay Ruushka siisay Drones loo adeegsaday in lagu weeraro kaabayaasha Ukraine. Iran way beenisay eedeyntaas