Mareykanka Oo Uga Digay Ingiriiska iyo Faransiiska inay Aqoonsadaan Falastiin
Mareykanka ayaa uga digay Ingiriiska iyo Faransiiska inay aqoonsadaan dawladda Falastiin, inta lagu jiro shirka Qaramada Midoobay ee dhammaadka bishaan, sida uu baahiyay wargeyska Middle East Eye.
Faransiiska iyo Sacuudiga ayaa lagu wadaa inay si wadajir ah u martigeliyaan shir gaar ah oo la xiriira aqoonsiga dawladda Falastiin oo 17 bishan June, ka furmaya New York.