Heemaal News Network

Mareykanka Oo War kasoo Saaray Kulankii Uu la Qaatay Xukuumada iyo Xisbiyada Mucaaridka ah Ee Somaliland

Warsaxaafadeed ka soo baxay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu sheegay in Safiirkooda booqasho ku tagay somaliland uu kulamo la qaatay madaxweyne Muuse Biixi hogaamiyayasha Siyaasada iyo Ururada Bulshada rayidka ah iyo ganacsatada dalka .

Waxaana War saxafeeedkan lagu sheegay in Safiirkoodu uu Muujiyay sida ay uga go’aantahay in dowlad mareykanku ay sii wado taageerada joogtada ah ee ay siiso Hayadaha ka shaqeeya horumariinta dimoqoraadiyada iyo horumarka gobolka .

Madaxda Somaliland ee uu shirarka la qaatay Safiirku waxa uu ku dhirigaliyay Iskaashiga heer gobol iyo in Wada-xaajoodyo lagu Xaliyo Caqabadaha diblomaasiyadee iyo amaan ee gobolka ka taagan , iyadoo sido Safaaradu sheegtay in madaxda Dowlada Somaliland ee uu kulanka la qaatay uu Safiirku kala hadlay muhiimada ay leedahay hirgalinta jadwalka doorashooyinka Somaliland .

Isagoo madaxda Somaliland uu soo jeediyay muhiimada ay leedahay in la helo bulsho rayid ah oo feejigan iyo Saxaafad si xor ah u dhaqanta.