Heemaal News Network

Mareykanka Oo Xanibaad ku soo Rogay Shirkaddo & Shaqsiyaad lala Xiriiriyey Al shabaab

Wasaaradda lacagta ee Maraykanka, xafiiskeeda Maamulka Hantida Dibedda ayaa ku dhowaaqay in cunaqabatayn lagu soo rogay 16 shirkadood iyo ashkhaas ka hawlgala shabakado ganacsi oo ku fidsan Geeska Africa, dalka Isutaga Imaaraat-ka Carabta iyo jasiiradda Qubrus, kuwaasi oo dawladda Marayanku ku eedaynayso inay lacago u ururiyeen, una kala gudbiyaan ururka Al-Shabaab oo ah koox xiriir la leh Al-Qaaciida.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Lacagta ayaa lagu sheegay in dadka ku jira shabakadani ay ku jiraan ganacsato saamayn leh oo ku sugan gobolka, kuwaasi oo taageero maaliyadeed siiya Al-Shabaab, oo ah koox argagixiso oo mas’uul ka ah qaar ka mid ah weeraradii ugu xumaa ee ka dhaca Bariga Africa, kuwaasi oo ay ku dhinteen sida warkan lagu sheegay kumanaan qof oo ah dad rayid ah oo aan waxba galabsan.

Maraykanka ayaa sheegay in Al-Shabaab sannadkiiba urursato in ka badan $100 milyan oo dollar oo ay baad ahaan uga qaaddo ganacsatada gudaha iyo shaqsiyaad, lacagtaas oo lagu eedeeyey inay al-Shabaab la wadaagto laamaha kale ee ururka Al-Qaacida ee ku kala sugan dunida.

Sidoo kale war-saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in tallaabada laga qaaday dadkan iyo shirkadahani loo cuskaday xeerka qaabilsan kooxaha argagixisada iyo kuwa wax u fududeeyaba, iyadoo sidoo kale lagu xusay magacyada shirkadaha iyo waliba dadka cunoqabatayntan lagu soo rogay.

Marayanku waxa uu sheegay in shirkadaha uu bartilmaameedsaday ay ku jirto mid fadhigeedu yahay Dubai, dalka Imaaraadka Carabta oo lacagaha gudbintooda u fududaysa al-Shabaab, oo ku tiirsan hoggaanka shirkadda iyo laamaheeda oo xafiisyada hoos yimaada uu Marayanku sheegaay inay ku kala sugan yihiin Soomaaliya, Kenya, Uganda, iyo Qubrus si ay lacago ugu ururiyaan uguna gudbiyaan al-Shabaab.

Marayanka ayaa sheegay in tallaabadan Wasaaradda Lacagtu qaadday darteed in dhammaan hantida iyo danaha ay leeyihiin shirkadaha iyo shaqsiyaadka la bartilmaameedsaday oo la magacaabay ay ku leeyihiin Marayakanka ama ku jirta gacanta dad Marayakn ah la xayiri doono.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Maxay tahay Malaayiin Dollar Ee la siiyey Dowlada Somaliya ka dib Deyntii Laga Cafiyey?

Heemaaln

21 Qof Rayid ah Oo Lagu Laayay Duqayn ka Dhacday Gobolka Sh/Hoose Oo Laga Qayliyay

Heemaaln

Wasiirka Maaliyada SSC-Khaatumo Oo Suaalo Adag lagu Waydiiyey Baenaamijka Fagaaraha

Heemaaln