Mareykanka: Xildhibaan Brandon Gill oo ka tirsan Xisbiga Jamhuuriga ayaa bilaabay qorshe uu xisbigiisa kaga dalbanayo in ay saxiixaan in Soomaaliya loo masaafuriyo, Xildhibaanadda Soomaaliyeed ee Ilhaan Cumar, oo iyadu ka tirsan Xisbiga Dimuqraadiga.
Xildhibaanka ayaa Ilhaan Cumar ku eedeeyay inay daacad u tahay dadka sharci darada ku jooga Maraykanka.
“Runtii, Ameerika waxay ahaan lahayd meel aad uga wanaagsan haddii dib loogu celiyo Ilhaan Soomaaliya.” – Gill ayaa yidhi, isaga oo ku doodday inay daacad u tahay dadka aan sharciga lahayn ee Maraykanka ku sugan ee ka soo jeeda dalkeeda Soomaaliya marka loo eego Maraykanka.