Heemaal News Network

Margalit Mozes Oo Diiday kulan Uu Dalbaday Netanyahu

Haweenayda Margalit Mozes, oo ka mid ahayd maxaabiistii ay horey u sii daysay Xamaas ee Israa’iil ayaa diidday inay la kulanto RW Netanyahu oo sidaas dalbaday.

Margalit Mozes ayaa warqad ay ugu sheegayso sidaas u qortay Neranyahu

“Kulanka aan adiga kula yeelanayo waa mid sawir iyo dacaayad u adeegsanaysid, Inta ay saaxiibaday dhimanayaan, waan diidday la kulankaaga, waxaa tahay qof caddeeyay inuusan wax dan ah ka lahayn maxaabiista wali xiran.” ayey ku tiri qoraalkeeda.

Netanyahu ayaa kacdoon weyn oo ka dhan ah kala kulmaya gudaha Israa’iil, kaddib markii Wasiirka difaaca, madaxa sirdoonka iyo saraakiisha militariga ay ku sheegeen qof aan dooneyn in heshiis la gaaro.

Wargeyska Washington Post oo xiganaya saraakiil Mareykanka ah ayaa ku warramay inay Iran ku riixeyso Xisbullah inay fuliyaan weerarrada jawaabta ee ka dhanka Israa’iil.

Tan ayaa la macno ah inay Iran doonayso weerarrada jawaabta ka dhanka dilka Haniyeh iyo hoggaamiyihii militari ee Xisbullah inay ka timaado kooxaha ay taageerto ee gobolka, duulaanka ugu weyna ay ka qaadi karto Xisbullah, tan oo ah wax ka duwan hanjabadihii ay jeedinaysay ee ahaa inay dhulkeeda ka weerarri doonto Israa’iil.

Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u fadhiya Iran, ayaa shalay sheegay inay Israa’iil raadaarada la socda dhaqdhaqaaqa hawada ka eegayso weerar uga yimaada Iran, balse taa wax ka duwan inay la kulmi karto Israa’iil, ma cadda haddii uu ula jeedo weerar dhulka ah inay fulinayso Xisbullah, iyadoo Israa’iil ay dhankeeda xalay shaacisay in ciidamada Qasa kaga sugan loo daabuli doono dhinaca xadka Lubnaan, si ay isugu diyaariyaan dagaal baaxad weyn oo halkaa ka dhici kara.