Diyaarad aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil ayaa xalay ku qarxisay meel aan ka fogeyn xeebaha dalka Malta ee biyaha caalamiga ah, markab gargaar u siday marinka Qasa
Markabkan ayaa doonayey inuu jabiyo go’aaminta ay Israa’iil saartay dadka reer Qasa oo wajahaya xaalad bani’aadanimo oo ka dhalatay cuno iyo biyo la’aan, sida ay sheegeen koox dhaqdhaqaaqyaal reer Falastiin ah oo isku abaabulay sidii ay go’doominta Qasa , meesha uga saari lahaayeen
Waxaa hadda gurmad dalbanayaan 30 qof oo la socotay markabka gargaarka u siday Qasa oo ka soo baxay Qubrusta uu Turkiga maamullo.
Israa’iil , waxay joojisay in wax gargaar ah la gaarsiiyo Qasa , waxayna baaritaan ku sameysaa gargaar kasta oo la geynayo Qasa, balse u dhaqdhaqaaqayaasha reer Falastiin ee Freedom Flotilla, ayaa doonayay inay markabkan gaarsiiyaan dekedda Qasa, iyagoo jabinaya go’doominta ay Israa’iil ku heyso Qasa.
Sannadkii 2010 ayay sidan oo kale u weerartay Israa’iil markab u rarna Qasa oo isla kooxdan Freedom Flotilla ay doonayeen inay gargaar ku gaarsiiyaan Qasa.