Markab ay leedahay shirkadda Maersk Denver oo hub iyo saanad militari oo u socda Israa’iil ka soo qaaday Mareykanka , ayaa ku xirtay deked ku taalla Morocco, kaddib markii laga diidday inuu ku xirto dekedaha dalka Spain.
Markabkan ayaa laga dejin doonaa shixnad militari oo uu sido, si loo saaro markab kale oo geyn doona dekedda Haifa ee Israa’iil.
Dadweynaha Morocco, ayaa ku bannaanbaxay dekedda uu markabkan ku soo xirtay ee Tanger Med, balse iskudayga kama hor istaagin in maamulka Morocco markabkan sida bambooyin iyo hub loo adeegsanayo Qasa inuu ku soo xirto dekedda, waxaana la iska dhaga-tiray muduharaadayaasha iyo baaqyadii ka horreyay ee dhaqdhaqaaqayaasha Morocco ay ku dalbanayeen inan markabkan loo oggolaan dekedaha dalkooda.