Safaarada Turkeyga ee Muqdisho ayaa sheegtay in madaxda safaaradu ay booqdeen Markabka TCG Ütğm oo ku soo xirtay dekadda Magaalada caasimada ah ee Muqdisho.
“Waxaan booqanay markab TCG Ütğm. Arif Ekmekçi oo ku xirnaa Dekedda Muqdisho, taasoo qayb ka ah hawsha uu ku caawinayo markabka Oruç Reis Seismic Research Vessel ee baaritaanka kheyraadka shidaalka ee Soomaaliya. Waxaan u rajeyneynaa guul hawshan iyo dhammaan hawlaha mustaqbalka. .”ayaa lagu yiri warka lagu daabacay barta facebook ee safaarada Turkeyga ee Muqdisho.
Ma jirin faahfaafin dheeraada oo laga bixiyey markabkan iyo meelaha uu tagayo.
Horraantii sanadkaan dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo is-afgarad ah oo shatti u ogolaanaya in saddax aag oo xeebaha Soomaaliya lagu sameeyo baaritaan la siiyay shirkadda Turkish Petroleum, oo ah shirkadda shidaalka qaranka ee Turkiga.
Aagaggaan shatiga loo heysto ayaana laga sameyn doonaa sahanno, cabbirka goobahaan ayaana lagu sheegay qiyaastii 5,000-kiilomitir laba jibbaaran iyo 1,930 mayl laba jibbaaran.