Dalalka Qatar iyo Masar ayaa ku wargeliyeen hoggaamiyeyaasha Xamaas in laga yaabo inay la kulmaan suurtagalnimada ah xarig, xannibaad hanti, cunaqabatayn iyo xitaa in laga saaro Doha, haddii ay aqbali wayaaan soo jeedinta heshiis xabad joojin oo laga dhex sameeyo iyaga iyo Israa’iil.
Sida warbixinta lagu sheegay, iyadoo laga duulayo aragtiyo ay qabaan mas’uuliyiin lagu tilmaamay inay aad ugu dhuun daloolaan wadahadalladan,ayaa waxaa ay sheegayaan in hanjabaadadan oo ku wajahan madaxda Xamaas ay tahay codsi ka yimid maamulka Biden.
Madaxa xafiiska siyaasadda Xamaas Ismaaciil Haniyeh oo ku sugan dalka Qatar ayaa sheegay in aysan aqbali doonin heshiis aan buuxin shuruudaha ururka, isla markaana aan dammaanad qaadeynin in dagaalka la joojiyo.
Maqaal uu qoray wariyaha Bariga Dhexe ee Wall Street Journal, Samar Saciid, ayaa intaa ku daray in Xamaas ay toddobaadkan si adag uga soo horjeesatay nuqul qoran oo ah soo jeedintii ugu dambeysay ee xabbad joojinta.
Wariye Samar Saciid waxa uu sheegay in kala duwanaanshiyaha yar ee ereyada uu noqday qodob ku dheggan wada xaajoodka, gaar ahaan ka dib markii Netanyahu uu ka jawaabay khudbadii Biden iyo in uu xoogga saaray in aan la soo afjarin dagaalka ka hor inta aan la burburin awoodda milatari ee Xamaas.
Agaasimaha CIA-da William Burns ayaa sidoo kale ka codsaday madaxda Qatar iyo Masar inay ku wargeliyaan hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh in dhexdhexaadiyeyaasha caalamiga ah ay xaqiijin doonaan bilaabashada wada xaajoodka xabbad-joojinta oo dhammaystiran toddobaadka saddexaad ee wejiga koowaad ee heshiiska, iyo in la isku afgaran doono qodobbada xabbad-joojinta joogtada ah. toddobaadka shanaad, sida uu sheegayo wargeysku.
Wargeysku wuxuu intaa raaciyay in Haniyeh hanjabaadaha ka dib uu diiday inuu aqbalo soo jeedinta, wuxuuna qeexay in Israa’iil ay bixiso ballanqaad qoraal ah oo ku saabsan xabbad-joojin joogto ah, gaar ahaan ka dib hadalkii Netanyahu ee ahaa inuusan aqbali doonin joojinta dagaalka.
“Sarkaal wadahadallada si dhow ula socda ayaa laga soo xigtay “Waxay og yihiin in Qatar aysan haysan waddo kale oo aan ka ahayn inay eryaan( Hoggamaiyaasha Xamaas) haddii Maraykanku ka codsado,”
Daniel Levy oo ah falanqeeya arrimaha siyaasadda ah ayaa yiri ” kaliya diidmada Netanyahu waxay horudhac u tahay marxaladda koowaad ee soo afjarida dagaalka, Washington way ku fashilantay imtixaankii,”