Masar iyo Sucuudiga oo Ku Heshiiyey inay dhisaan buundo $4 bilyan Oo Dollar Ku Kacaysa oo isku xidhi doonta Afrika iyo Aasiya
Dowladaha Sucuudi Carabiya iyo Masar ayaa heshiis kama dambeys ah ka gaadhay dhismaha buundo weyn oo xidhi doonta qaaradaha Afrika iyo Aasiya, iyadoo la mari doono Badda Cas. Mashruucan oo qiimihiisu lagu qiyaasay $4 bilyan, ayaa loo bixiyay magaca aan rasmi ahayn Oo ah Buundada Nabi Muuse, waxaana la filayaa in uu noqdo mashruuc muhiim ah oo horumarinaya isku xidhka gobollada, kobcinta dhaqaalaha, iyo xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed.
Mashruucan ayaa markii ugu horreysay la soo jeediyay sanadkii 1988, waxaana si rasmi ah dib loogu soo nooleeyay 2016-kii, markaasoo uu Boqor Salmaan ee Sucuudi Carabiya dib u bilaabay dadaallada mashruuca. Buundadu waxay xidhi doontaa Ras Hamid oo ku taalla xeebta Sucuudiga iyo Sharm el-Sheikh oo ku taalla gacanka Sinai ee Masar. Ka dib sanado badan oo dib u dhacyo siyaasadeed iyo farsamo jireen, Wasiirka Gaadiidka ee Masar, Kamel al-Wazir, ayaa dhawaan xaqiijiyay in marxaladaha qorsheynta dhammaadeen, mashruucuna uu hadda u diyaar yahay in la hirgeliyo, iyadoo la qiimeynayo in laga dhigo buundo ama tunnel, iyadoo laga eegayo dhinacyada injineernimada iyo siyaasadda diblomaasiyadeed.