Baraha internetka ayaa tan iyo shalay xoojiyay ka hadalka inay Masar si firfircoon u dhisayso goobaha lagu diyaariyo, lagana soo riddo gantaalada riddada dheer ee ballistic-ga, iyadoo ay gacan ka siinayaan Ruushka iyo Shiinaha, laakin ma jirto warbixinno arrintan la xiriirta oo wakaaladaha wararka , wargeysyada iyo warbaahinta dawladda Masar laga helay.
Masar ayaa horey u diidday inay si qarsoodi ah u dhiseyso awoodeeda militari , balse iska horimaadyada xooggeystay ee bariga dhexe iyo colaadda dunidda inteeda kale gaartay, ayaa dalalka adduunka ku riixday inay dib u habeyn ku sameeyaan awoodahooda iyo hannaankooda militari.