Intii kormeerka lagu jirey waxay guddigu su’aalo iyo talooyinba waydiiyeen/siiyeen masuuliyiintii ay la kulmeen, waxaana halkaa lagu kala qaatay warbixino taabanaya xaaladda guud ee dalka ee la xidhiidha badqabka duulista hawada Soomaaliya. Waxaana aad loogu dheeraaday caqabadaha kasoo cusboonaaday hawada Soomaaliya iyo sidii xal waara looga gaadhi lahaa caqabadaas isla markaana loo adkayn lahaa ammaanka iyo badqabka diyaaradaha isticmaalaya marinnada hawada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Guddigu waxay soo arkeen oo ay dul istaageen dhammaan agabyada iyo xafiisyada kala duwan ee laga maamulo hawada Soomaaliya, iyaga oo shaqaalaha/hawl-wadeennada xafiisyadaas ka hawl gala ka waraystay xaaladdooda gaarka ah iyo tan guud ee shaqada ay Qaranka u hayaanba, waxaanay ku ammaaneen sida hufan ee ay u gudanayaan waajibkooda shaqo.
Ugu dambayn guddigu waxay kula dardaarmeen masuuliyiinta wasaaradda iyo hay’addaba sidii shaqada qaranka loo hayo loogu hagar bixi lahaa, isla markaana aad looga feejignaan lahaa wax walba oo khatar gelin kara badqabka hawada Soomaaliya.