Heemaal News Network

Maxaa ka jira in Mid ka mid ah Raggii Weeraray Hotel SYL Uu ka Tirsanaa Shaqaalaha BFS?

Maamulka golaha shacabka baarlamanka Somalia ayaa beeniyey in xubin ka tirsanaa kooxdii al shabaab ee habeen hore weerartay hotelka SYL uu ka tirsanaa shaqaalaha xarunta golaha shacabka.

Ninkan ayaa markii la dilay waxaa jeebabkiisa laga helay aqoonsi cadeynaya inuu ka mid ahaa shaqaalaha golaha shacabka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in aqoonsigaas uu ahaa midkii Kontrolada ciidanka DF looga soo gudbiyey mid ka mid ah gaadiidkii habeen hore loo adeegsaday qaraxyada hotelka.

“Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka BJFS waxaa uu shacabka Soomaaliyeed u cadeynayaa in aqoonsiga lifaaqa hoose ka muuqda uu yahay been abuur, isla-markaana shaqsiga meesha ka muuqda uusan kamid ahayn shaqaalaha Golaha Shacabka” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud.

Sidoo kale Xoghayaha waxaa uu sheegay cidii lagu helo iyadoo ka been abuuraneysa ID-ka Golaha Shacabka lala tiigsan doono sharciga.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Odoyaasha Beesha Habar-jeclo Oo Nabad Ugu Baaqey SSC-Khaatumo, Sheegayna inaay ku jabaan

Heemaaln

Khasaare ka Dhashay Dab Saakay ka Suuqa weyn Ee Bakaaraha.

Heemaaln

Xukun Lagu Riday Tira Maleeshiyaad ah Oo ku Dhaawacmay Dagaallo kala Duwan.

Heemaaln