Toddobaadyo ka hor waxaa la sheegay Jen. Al-Sadiq Ismail – ergeyga gaarka ah ee taliyaha ciidamada Suudaan, Cabdifatax Al-Burhan , inuu si qarsoodi ah ku booqday Telaabiib, si uu Netanyahu ugu wargeliyo inuu Al Burhan diyaar u yahay in la dhammeystiro heshiiska lagu dhisayo xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dhinac, kaasoo burburay sannadkii 2020, markaa oo Suudaan ay qeyb ka ahayd heshiiskii Carabta iyo Israa’iil ee Abraham, sida ay ku warrantay majaladda Al-Rakoba. Balse booqashadan waxaa maalin ka hor beeniyay wasiirka arrimaha dibadda Suudaan , Cali Yuusuf Axmed Al-Shariif, kaasoo xalay si lama filan ah xilka looga qaaday.
Danjire Cali Yuusuf, wuxuu marar badan la kulmay dhaleeceyn la xiriirta hadallada uu jeediyay , waxaa lagu sheegaa inuu leeyahay khibrad diblomaasiyadeed iyo qof loo arko wadani, balse kama muuqan inuu leeyahay fikrada iyo hadallada uu u baahanyahay Al Burhan , inuu ka maqlo diblomaasigiisa koowaad, kaa oo markii xalay la shaaciyay in xilka laga qaaday dhankiisa boggaadiyay hoggaaminta Al Burhan, sidoo kalena u rajeeyay Suudaan mustaqbal wanaagsan.
Hadda muxuu Al Burhan ka raadinaya Israa’iil?
Al-Burhan, wuxuu Israa’iil u arkaa cidda kaliya ee ka caawin karta xiriirka Mareykanka iyo in meesha laga saaro khatarta Imaaraadka Carabta, tana waxay ku riixaysa xiriirka Israa’iil oo uu ka mid ahaa saraakiisha aan wax dhib u arkeyn markii Suudaan ay bilowday wada-xaajoodka ay xiriir diblomaasiyadeed kula yeelanayso Israa’iil oo Mareykanka uu garwadeen ka ahaa, waxaase markan ay su’aali ka imaanaysa sida uu Al Burhan u doonayo inuu isku heysto dhinacyada iska soo horjeeda ee ku sugan Suudaan, kuwaasoo u surageliyay inuu mar kale la wareego Khartuum iyo goobaha istaraatijiga ahaa ee ay ka heysteen RSF.
Iran ayaa hanti badan ku daabushay Suudaan, oo ay ka hirgelisay saldhigyo ay dhigtay nidaamyo difaac, halka Ruushka uu doonayo saldhig badda ah oo uu ku kala gudbiyo saadka saldhigyada uu ku leeyahay Afrika inuu ka hirgeliyo Suudaan , waxa intaa dheer oo abaal ku sheeganaya Al Burhan , waa Turkiga oo doonaya inuu saldhigyo bad iyo bariba ku yeesho Suudaan, waxaa kaloo jira hami sare oo ka imaanaya Shiinaha oo hub iyo dhaqaalaba siiyay Al Burhan , dhinacyada oo dhan ma ay doonayaan tartan uga yimaada Mareykanka iyo Israa’iil.
Marxaladan waxay tilmaam ka bixinaysa in dagaalku u ahaa Suudaan cawabad fudud oo laga gudbi karo , balse tartanka caalamiga ah ee ka dhex dhacaya gudaha Suudaan oo loo arkayo goob istaraatiji ah , wuxuu yeelanaya caqabad ka sarreysa marxalad kasta oo uga baahan mar kale inuu xal u helo Al Burhan, oo xataa dhibaato kala kulmaya ciidanka badan ee ka barbar dagaallamaya milatariga, kuwaasoo dalal kale duwan ay taageerreen tababarna siiyeen, waxaa u dambeeyay oo uusan natiijo wanaagsan kala soo noqon Eratareya, oo tababartay ciidan badan oo ka barbar dagaallamay milatariga, wuxuuna Al Burhan ugu tagay Isaias Afwerki, in ciidanka ay Eratareya tababbartay lagu biiriyo milatariga oo la baabi’iyo qaab dhismeedkooda madax bannaan oo ay saameynta ku leedahay Eratareya , laakin Isaias Afwerki, wuxuu sheegay inan wali la gaarin xilligii lagu dhaqaaqi lahaa go’ankan, taa oo ka dhigan inay jiraan wax badan oo wali laga sugayo in laga arko gudaha Suudaan
WQ Iman Jamac