Maanta waxaa Muqdisho ka dhaqangalay Canshuurta Gadidda. Waa canshuur saaran shacabka mar kasta oo uu qofku wax iibsanayo ama adeeg loo qabto. Wasaaraddu Maaliyaddu waxay canshuurtaan u cuskatay Sharciga Canshuurta Gadidda ee soo baxay January 7, 1984.
Qodoba 1ᵃᵃᵈ ee sharcigaas wuxuu canshuurta ku waajibiyay badeecada dibadda laga keeno, ganacsiga jumlada, hoteellada, iyo badeecada ay warshaduhu soo saaraan. Waxay ahayd canshuur la xamili karay maadaama ay ganacsatada laga qaadayay, oo aysan shacabka si toos ah ugu sii daadegin.
Wasaaradda Maaliyaddu ayaa wax-ka-beddelka qodobkan ku soo dhex dartay Qaraarka Ansixinta Odoroska Miisaaniyadda 2024 ee Baarlamaanku ansixiyay December 09, 2023. Qodobka 24ᵃᵃᵈ ayaa canshuur cusub ku soo rogay ganacsi kasta iyo adeeg waliba. Waxaa layaab leh in ay ku jiraan adeegyada caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha.
Dowladaha dunidu waxay dadweynaha lacag la’aan ku siiyaan adeegyada aasaasiga ah ee nolosha sida waxbarashada, caafimaadka, iyo biyaha. Dowladda Soomaaliya waxay noqonaysaa dowladda kaliya ee canshuur ka qaadda adeegyadan, halkii ay ahayd in ay iyadu lacag la’aan ku bixiso.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu sheegay in canshuurtan horay loo qaadi jiray. Waa hadal marin habaabin ah oo taariikhda Soomaaliya ma dhicin in qof bukaan ah canshuur looga qaaday isbitaal uu caafimaad u doontay. Waligeed ma dhicin in ay dowladdu canshuur ka qaaddo aabbe Soomaaliyeed oo carruurtiisa ka bixinaya qarashka waxbarashada. Horay uma dhicin in qoys Soomaaliyeed canshuur laga waydiiyo biyaha guriga ugu jira.
Madaxweynuhu wuxuu tusaale u soo qaatay in ay canshuurahan qaadaan dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC). Dalalkaas iyo caalamka kalema ma jiro dal canshuurta VAT-ka ka qaado adeegyada aasaasiga ah ee nolosha sida caafimaadka, waxbarashada, iyo biyaha, ama cunnada daruuriga ah sida digirta, bariiska, hilibka, caanaha, iyo khudaarta. Halka dowladda Soomaaliya ay intaasba maanta canshuur ka qaadeyso, maadaama ay si aan kalasooc laheyn 5% uga jaraneyso lacag waliba oo merchant ku dhacda. Dalalkaas waxay canshuurta VAT-ka ka qaadaan waxyaabaha dheeriga ah sida electronics-ka, hoteellada, makhaayadaha, qalabka guryaha, qalabka dhismaha, gawaarida, iyo shidaalka.
Madaxweynuhu wuxuu xusay in VAT-ka Soomaaliya yahay 5%, halka ay dalalka Bulshada Bariga Afrika (EAC) ay tahay %16 ilaa 18%. Warbixin sanadkan lagu daabacay mareegta Bulshada Bariga Afrika (EAC) waxaa lagu sheegay in celcelis ahaan muwaadinka Kiiniyaanka ah bishii VAT ahaan looga qaado $24, Rwanda $18.90, Tanzania $20.70, Uganda $22.50, Burundina waa $16.20.
Sababta ay u yartahay celceliska canshuurtaas waa in laga qaado marka uu qofku iibsanayo waxyaabaha dheeriga ah kaliya. Halka muwaadinka Soomaaliga ah si maalinle ah looga qaadayo mar kasta oo uu wax iibsado ama adeeg loo qabto. Taas oo wax badan ka badan doonta canshuurta laga qaado muwaadinka u dhashay dalalka kale ee Bulshada Bariga Afrika. Waxaa intaas dheer in bulshooyinkaasi ay canshuurta ku beddeshaan adeegyo ay ka helaan dowladda, ayna ku kalsoon yihiin gacanta ay ku dhacdo.
Sababta ay dowladdu canshuurtaas arxandarrada ah uga qaadeyso shacabka Muqdisho kaliya waa in aysan awoodin in ay canshuur ka qaaddo shacabka Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Koofurgalkeed, iyo Jubbaland, iyadoo bil waliba miisaaniyadda maamul-goboleedyadaas laga kabo canshuurta laga qaado shacabka Muqdisho.
Haddii ay shacabka Muqdisho rabbaayo u noqdeen dowladda oo ay horay u aqbaleen in laga qaado canshuur aan dib looga soo celin, dadka kalena laga qaadin; waa naxariisdarro aan dunida horay uga dhicin in maantana canshuur aan kalasooc lahayn laga dulsaaro wax waliba oo ay iibsadaan iyo adeeg waliba oo loo qabto.