Illaa hadda Mexico, ayaa ah dalka ugu badan ee gurmadka u fidanaya Mareykanka , halka Canada ay ka qeyb qaadanayso dadaallada lagu daminayo dabka wali holcaya.
khasaaraha la soo gudbiyay illaa hadda ayaa kala ah
16 qof dhimashadooda ayaa la xaqiijiyay.
In ka badan 12,300 oo dhisme ayuu dabku si dhammmaystiran u burburiyay.
In ka badan 166 kun oo qof ayaa ku barakacay.
Ku dhawaad 38 kun oo hektar dhul gaaraya ayaa gubtay
Ilaa hadda, khasaaraha maaliyadeed wuxuu gaaray $150 bilyan
Maraykanka, ma jiro wax la yiraahdo dawlad magdhow siinaysa muwaadiniinta dhismaha ay ka gubteen. Haddii aad leedahay caymis gaar ah, waxaad ka heli doontaa magdhow shirkadda caymiska inta shirkadu qaadi karto
Bankiga maalgelinta ee JP Morgan, wuxuu xaqiijiyay shirkadaha caymisku inay kaliya awoodaan inay daboolaan ugu badnaan $20 bilyan oo magdhow ah , ha iloobin khasaaraha wuxuu ku dhawaan karaa labo boqol oo bilyan! Xaaladdu waa in dadka ay guryaha ka burbureen ay dhab ahaantii tahay inay iyagu is bixiyaan oo guryahooda dib u dhistaan ama ku jiraan xaaladda barakaca ah..