Heemaal News Network

Maxaa ku Cusub Caawa Xaalada Murugsan Ee Bariga Dhexe?

Dalalka Carabta oo ay ugu horreeyaan dhex-dhexaadiyaasha Qatar iyo Masar, ayaa lagu warramaya inay la wadaageen Iran iyo Xisbullah inay dib u dhigaan weerarradooda aargoosiga ah ee ay ku qaadayaan Israa’iil illaa 15 bishan Agoosto, si ay u qiimeeyaan natiijada wada-hadallada xabbad-joojinta Qasa ee waqtigaa loo ballansan yahay.

Israa’iil ayaa mar kasta oo uu soo dhawaado heshiis laga gaari karo xabbad-joojinta Qasa, waxay qaada weerarro caro leh oo ujeeddada u muuqata in lagu carqaladeynayo natiijo laga gaaro wada-hadallada, iyadoo u muuqata isla istiraatijiyadaas inay adeegsanayso Israa’iil, waxay shalay duqeyn ku dishay in ka badan 100 ruux oo rayidka ah, kaddib markii ay duqeyn ka geysatay iskuul ku yaalla bartamaha Qasa oo ay gabaad ka dhiganayeen boqollaal rayid ah.

Ururka Xisbullah ee Lubnaan ayaa saacadihii u dambeeyay ee maanta dhowr weerar oo loo adeegsaday diyaaradaha aan duuliyaha lahayn, waxay ku burburiyeen qalabka wax basaasa iyo kuwa ka diga weerarrada ee ku xiran aagga ku dhow xadka Lubnaan, tallaabo sare u qaadaysa inay Xisbullah isku diyaarinayso weerar weyn oo ay ku qaado Israa’iil, iyagoo ka jawaabaya dilka hoggaamiyahoodii ugu sarreeyay militariga , Fuad Shukr oo lagu dilay duqeyn ay Israa’iil ka geystay koonfurta Beirut.

Dhinaca kale, Saraakiisha hoggaaminaya ciidanka Israa’iil ee ku sugan Qasa, ayaa la sheegay inay farriin u direen saraakiisha sare ee militariga Israa’iil, iyagoo ka caraysan hadallada ka soo baxaya hoggaanka sare ee ay ku sheeganayaan inay dhow dahay guul laga gaaro dagaalka Qasa“ Annaga oo ku sugan gudaha Qasa, si fiican ayaan u ognahay xaaladda weli waa mid ka fog guul,” ayey yiraahdeen sida ay ku warrantay Aljazeera oo xiganaysa telefishinka Israa’iil ee Channel 14.

Dhinaca kale, Cabbaas Araqchi ayaa loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran, isagoo beddelaya Wasiirkii ku geeriyooday shilka diyaaradeed, Amir Abdullahian.

Araqchi oo ah diblomaasi sare, wuxuu soo noqday Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibadda Iran, balse magaciisa ayaa aad usoo shaac baxay inta ay socdeen wada-xaajoodyadii nukliyeerka ee Iran iyo reer galbeedka , isagoo markaa wakiil ka ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda.