Heemaal News Network

Maxaa ku Qoran Warqada uu Trump u Diray Hogaamiyaha Iran?

Madaxweynnaha Mareykanka Trump ayaa sheegay inuu daneynayo heshiis uu la gaaro Iran, isagoo xusay inuu warqad u diray hogaamiyaha Ruuxiga ee dalkaas Ayataloh Khamenei, isagoo dhinaca kale xusay ineysan ogolaan doonin Iran iney yeelato Hub Nuclear ah

Trump ayaa sheegay in Iran bedelkii ay soo saari laheyd hub nuclear ah ay siinayaan fursado kale oo uusan sheegin waxa ay yihiin.

“Waxaan doorbidayaa inaan Iran la heshiiyo, waxaan warqad u diray Khamenei, Iran ma yeelan karto nukliyer! laakiin Waxaa jira fursade kale oo miiska saaran.” ayuu yiri Trump.

Madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay in warqada uu u diray hoggaamiyaha ruuxiga ah ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, ay ku saabsan tahay wada xaajoodka heshiiska Nukliyeerka isagoo sidoo kale ku hanjabay tallaabo milateri haddii aan heshiis la gaarin.

“Waxaa jira laba siyaabood oo Iran wax looga qaban karo, militari ahaan ama aad in heshiis lala galo waxaan doorbidayaa inaan heshiis sameeyo,” ayuu yiri Trump

Hadalka Trump ayaa ku soo beegmay xili Madaxa hay’adda quwadda Atoomikada Adduunka, Rafael Grossi uu xaqiijiyay inuu Mareykanka ku fashilmay cunaqabateyntii nukliyerka ee u saaray Iran, sabab la xiriirta inay Iran gaartay heer ay awooddo inay si dhaqso leh u soo saarto bambo nukliyeer ah.

Waxaa uu intaas ku daray in colaadaha iyo burburka dhanka diblomaasitada ee caalamka ay ka dhalatay dalal badan inay ku fikiraan hadda inay sameystaan hub nukliyeer ah, sida ay ku warrantay warbaahinta Bloomberg