Heemaal News Network

Maxay ka wada hadleen Aadan Madoobe & dhigiisa Algeria?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan miro-dhal ah magaalada Algiers ee caasimadda dalka Algeria kula qaatay Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, oo sidoo kale ah Guddoomiyaha Baarlamaannada Carabta.

Kulanka ayaa ka dhacay xilli uu Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe ku sugan yahay dalka Algeria si uu uga qeyb galo Shirka Guddoomiyeyaasha Baarlamaannada Wadamada Carabta.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Algeria, Mudane Ibrahim Boughali, ayaa si diirran u soo dhaweeyay Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe iyo wafdigiisa, isagoo uga mahadceliyay ka qeybgalka shirka iyo xoojinta xiriirka labada baarlamaan. Wuxuu carabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo hannaan lagu xoojin karo iskaashiga baarlamaannada labada dal, isaga oo sidoo kale bogaadiyay doorka firfircoon ee Soomaaliya ka qaadato arrimaha xasiloonida iyo horumarka dalalka Carabta.

Dhinaciisa, Guddoomiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Algeria martigelinta shirka iyo soo dhoweynta diirran ee loo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Wuxuu muujiyay sida ay muhiim u tahay in la xoojiyo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria, gaar ahaan dhanka baarlamaannada.

Guddoomiyuhu wuxuu si gaar ah u amaanay doorka Algeria ee taageerada ay siiso arrimaha Carabta, isagoo xusay in iskaashiga labada baarlamaan uu fure u yahay isdhaafsiga waayo-aragnimada, aqoonta sharci-dejinta iyo xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada shacab.

Kulanka ayaa lagu soo gabagabeeyay is-afgarad ku saabsan in la xoojiyo wada-shaqeynta iyo iskaashiga labada baarlamaan, iyadoo lagu saleynayo danaha guud iyo xiriirka taariikhiga ah ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Algeria.