Waxay ka wada hadleen adkaynta xidhiidhka labada dal iyo wada shaqaynta labada Baarlamaan, iyagoo xusay inay muhiim tahay in labada Baarlamaan ay is waydaarsadaan khibrad isdhaagsi ku saabsan sharci-dajinta metelaadda shacabka.
Intaas ka dib labada Guddomiye ayaa isla qaatay in la sameeyo guddi saaxiibtinimo ah oo ay yeeshaan dowladda Soomaaliya iyo wadanka Ruushka, taas oo kor loogu qaadayo xidhiidhka soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal.
Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha ayaa u mahadceliyey soo dhaweynta milgaha leh ee uu u sameeyey Guddoomiyaha aqalka hoose ee Baarlamaanka Ruushka isagoo tilmaamay muhiimada iskaashiga iyo wada-shaqaynta ay leeyihiin labada Baarlamaan ay sii xoojinayso xidhiidhka labada dal