Heemaal News Network

Maxay ka wada hadleen Madaxweyne Firdhiye & Aden Madoobe?

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Hoggaamiyaha Dowlad Goboleedka SSC-Khaatumo Mudane Cabdulqaadir Axmed Aw-Cali (Firdhiye) oo ay wehliyaan masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Hoggaamiyaha dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka warbixin kooban ka siiyay howlaha maamulka SSC-Khaatumo iyo shaqada uu u hayo bulshada ku nool deegaanadda maamulkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu horreyn bogaadiyay dowlad goboleedka SSC-Khaatumo iyo shacabka deeganadaasi, ayaa kula dardaarmay hoggaamiyaha SSC-Khaatumo howlaha uu haayo maamulkiisa iyo sidoo kale sida ay muhiim u tahay dhameystirka maamulkaasi.

Kulanka waxaa ka qeyb galay habdhowre ku-xigeenka golaha shacabka Xildhibaan Sahra Bundubte, xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri) iyo sidoo kale Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka.