Waxaa kulanka diirada lagu saaray Qorshaha dagaal iyo sidii loo xoreyn lahaa goobaha ay dalka kaga sugan yihiin xoogaga Al shabaab.
Kulanka waxaa lagu go’aamiyay in biya kama-dhibcaan ay tahay in la qaado Howlgal ka dhan ah Al-Shabaab lagana saaro goobaha ay wali joogaan.
Taliyaha ciidanka XDS Ibraahim Sheikh Muxudiin ayaa Dowladda Mareykanka u sheegay inay muhiim u yihiin qorshaha dagaalka ee ka dhanka ah Al-Shabaab, waxayna balan qaadeen inay diyaar u yihiin sidii Soomaaliya looga saari lahaa kooxahaas.