Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa maanta oo Isniin ah ku wada hadlay qadka talefonka sida ay ku warantay Wakaalada warar Qatar ee QNA.
Qatar News Agency mabixin faahfaahinta ku saabsan qodobada ay doodeen labada hogaamiye, balse wada hadalka ayaa yimid iyada oo Midowga Africa ay Amiirka Qatar ka dalbadeen in uu qabto shir dhaqaale loogu raadinayo howlgalka Midowga Africa ee Soomaaliya.Qatar ayaa la wariyay in ay diiday martigalinta Shirka hadii aysan ka soo qaybgalayn deeqbixiyaasha. Maraykanka ayaa diiday in uu bixiyo lacagta howlgalka AU-da.
Sidoo kale shirkaan ayaa yimid Saacado ka dib wada hadalkii hogaanka Soomaaliya iyo Turkey oo markaan noqonaya xulufada sida wayn u taageerayo qorsha amniga Soomaaliya.
Bartamaha bishan June Wasiirka difaaca Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa ku wajahan Qatar si uu ula kulmo Wasiirka difaaca iyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka Qatar si looga wada hadlo soo daabulida ku dhawaad 2000 oo saraakiil iyo Ciidamo Soomaali oo tababaro iyo waxbarasho milatari ku dhamaystay dalkaas.