Madashan oo ah tan ugu ballaaran adduunka ee looga hadlo horumarinta iyo iskaashiga waxbarashada, ayaa waxa sannadkan isugu yimid in ka badan 150 wasiiro waxbarasho, khubarada waxbarashada, hay’adaha ku hawlan horumarinta waxbarashada iyo daneeyayaasha waxbarashada qeybaheeda kala duwan.
Wasiirka Waxbarashada Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa waxaa uu khudbad muhiim ah ka jeediyay kulan weynaha madasha, isaga oo ka hadlay kaalinta ay waxbarashada ku leedahay korriimada iyo kobaca ummadeed, kan bulsho iyo midka shaqsiyadeed. Iyada oo ay dawladda Soomaaliyeed ahmiyaddaa ka duulaysana ay qaadday qorshe iyo hindise ballaaran oo lagu baahinayo waxbarashada aasaasiga ah.
Wasiirka waxaa uu u xusay in 6,000 oo macalim la qaatay muddo laba sano ah gudaheed; 6,000 oo kalana la qaadanayo sannadka 2026. Wasiirka waxaa kale oo uu ka hadlay dibuhabaynta xeerarka iyo siyaasadda ee ay wasaaraddu samaysay; iyo dhanka kale dibudhiska ballaaran ee dugsiyada iyo goobaha Maamulka waxbarashada ee ay wasaaraddu waddo si loo horumariyo adeegga waxbarashada.
Wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir iyo wafdigiisa waxaa kale oo u suurtagashay in ay kulamo doceedyo muhiim ah la yeeshaan mas’uuliyiin badan oo ka soo qeybgalay madasha sannadkan.