Heemaal News Network

Maxkamad Diiday in dib loo Dhigo kiisas loo Heysto Netanyahu

Maxkamadda sare ee Israa’iil ayaa diidday codsi uu ku doonayay Netanyahu dib u dhigista fadhiga marag-furka ah ee ku saabsan kiisaska musuqmaasuqa ee lagu maxkamadeynayo, sida uu sheegay telefishinka Israa’iil ee Channel 12.

Netanyahu ayaa maxkamadda hortagaya dabayaaqada December, markaa oo la soo bandhigi doono caddeymaha iyo marqaati furka eedeymaha musuq maasuq ee loo heysto

Netanyahu iyo xubno ka tirsan qoyskiisa waxaa lagu eedeeyay inay si aan sharciga waafaqsanayn u isticmaaleen agabka dowladda iyo hanti dadweyne si ay uga faa’iideystaan noloshooda gaarka ah. Tusaale ahaan, waxaa lagu eedeeyay inay si xad-dhaaf ah u qaateen hadiyado qaali ah oo ay ka helaan ganacsato.

Waxaa sidoo kale loo heystaa inuu ku lug lahaa musuqmaasuq siyaasadeed, gaar ahaan is-afgarad uu la sameeyay ganacsato si uu u helo taageero siyaasadeed. Tusaale ahaan, dacwadda “Case 4000” ayaa ku saabsan eedeymo ah in Netanyahu uu ka caawiyay ganacsade Shaul Elovitch, oo ah milkiilaha shabakadda warbaahinta “Walla”, inuu helo faa’iidooyin ganacsi, iyadoo uu ka helay taageero warbaahineed oo ka dhigtay fursad u ah doorashadiisa.

Dacwadda “Case 1000” iyo “Case 2000”: “Case 1000” waxaa ku saabsan eedeymo ah in Netanyahu uu si gaar ah u qaatey hadiyado qaali ah oo ka yimid ganacsato, kuwaasoo lacagtooda lagu sheegayo inay ka dambeeyeen codsiyo siyaasadeed. “Case 2000” waxaa ku saabsan eedeymo ah inuu isku dayay inuu heshiis la galo milkiilaha warbaahinta “Yedioth Ahronoth”, Arnon Mozes, si uu uga helo taageero warbaahineed ee ololaha siyaasadeed.

Inkasta oo Netanyahu uu beeniyay dhammaan eedaymahan, haddana dacwadahan ayaa qeyb ka ah xirfadiisa siyaasadeed iyo sharciga, waxaana weli socota kiiskaas oo saameyn ku leh siyaasadda Israel.

Haddii Netanyahu lagu helo dacwada loo heysto waxaa ka dhalan karta inuu xilka waayo, loona diro xukun xabsi dheer ah uu wajaho, waana sababta uu diiday inuu joojiyo dagaalka isagoo ka cararaya maxkamada ku soo wajahan.