Heemaal News Network

Maxkamad ku Taal Imaaraatka Carabta Oo Xukuno Adag ku Riday 57 Bangladesh ah

Saddax ka mid ah dadka la soo taagay maxkamadda oo aan magacooda la sheegin ayaa lagu xukumay xabsi daa’in “kaddib markii ay rabshado ka kiciyeen wadooyin ku yaal Imaaraatka Carabta Jimcihii”.

53 kale ayaa lagu xukumay 10 sano iyadoo hal qofna lagu xukumay 11 sano.

In dibadbax laga dhigo Imaaraatka Carabta waa sharcidarro. Ajnabiga dalka ku nool waa 90%. Bangladesh dadka ka soo jeedo waxay ka jiraan kaalinta saddaxaad shisheeyaha dalka ku nool.

Dadka la xukumay ayaa ku doodaya in ujeedka isku-imaatinkooda uusan aheyn in ay dambi geystaan, cadeymaha la keenayna aysan aheyn kuwa ku filan.

Bangladesh waxaa ka dhacay dibabaxyo looga horjeedo qoondada shaqada ee dowladda.

Wadanka waxaa hoggaamiya Sheikh Hasina oo 15 sano wadanka ka aheyd raysalwasaare