Heemaal News Network

Maxkamada Ciidamada Somaliland Oo Xakun ku Riday Sargaal ka Tirsan Booliiska

Maxkamadda Ciidamada Darejada 1aad ayaa saaka 7 sannaddood oo xadhiga ku xukuntay Dable Maxamed Cabdi Xariir oo ka tirsanaa Ciidamada Booliska JSL kaasi oo isagoo dirayska ku labisan degmada Axmed Dhagax ku baadhay laba dumara oo sugaayay Bas , taariikhdu markay ahayd 28-3-2024 , waxaana ku wehelinaayay laba eedaysane sida ay qabatay Camera CcTv.

Taliska Ciidanka Booliska JSL ayaa markiiba waxa uu hawlgal iyo baadhid ku sameeyay kiiskaasi waana la soo qabtay Askarigaasi , iyadoo degdeg loo horrgeeyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida , taasi oo maanta xukun ku riday.