Heemaal News Network

Maxkamada Islamabad Oo Maanta laashay Xukunkii Lagu Riday Imran Khan

Maxkamad ku taalla magaalada Islamabad ee dalka Pakistan ayaa maanta laashay xukunkii lagu riday ra’iisul wasaarihii hore , Imran Khan iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Shah Mahmood Qureshi oo ay isku dhow yihiin, kaddib markii maxkamad ku riday xukun 10 sanno oo xarig ah iyadoo lagu eedeyay inuu si khaldan u adeegsaday sirta qaranka, maalmo ka hor doorashadii guud ee dalkaa ka dhacday.

Si kastaba ha ahaatee, in kasta oo maxkamadda sare ee Islamabad ay ku dhawaaqday in la baabi’iyay eedeymaha sirta ee lagu xukumay Ra’iisul wasaarihii hore, balse taa ma siinayso xorriyad uu xabsiga ugu soo baxo, Khan wuxuu ku sii jiri doonaa xabsiga , sababo la xiriira xukun kale oo lagu riday 3-dii Febraayo, markii Khan iyo xaaskiisa Bushra Bibi lagu xukumay toddobo sanno oo xarig ah oo ay ku riday maxkamad ku taal Rawalpindi, taaso ku dhawaaqday in guurkooda 2018 uu jabiyay shareecada Islaamka. Balse , Khan ayaa shirqool ku sheegay dhammaan xukunka ay ku rideen maxkamadaha, isagoo beeniyay dambiyada lagu eedeyay.