Heemaal News Network

Maxkamadda Derejada Koowaad ee gobolka Sool oo xukuntay Xukun Dil ah.(Sawiro)

Maxkamadda Derejada Koowaad ee Gobolka Sool ee SSC-Khaatumo ayaa xukun dil toogasho ah ku xukuntay Dambiile Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed, Ina Xafsa Maxammuud, 24 Jir ku dhashay Magaalada Laascaanood oo dil ugu gaystay 06/04/2024 Magaalada Laascaanood AUN Marxuum Cabdulqaadir Haaruun Cabdixaafid, Ina Milgo Cabdullaahi, 26 Jir ah, ku dhashay Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale, Maxkamadda Derejada Koowaad ee Gobolka Sool ayaa ku xukuntay Dembiile Cabdikariim Cabdirashiid Gurey, ina Kiin Cali, 18 Jir ah, oo ahaa gacansiiye la socday markii uu Dembiilihu dilka geystay markii danbena fakiyey 1 sano oo xadhig ah iyo $ 1,000 oo ganaax ah .

Odayaasha labada dhinac ee Dhiibbanaha iyo Dembiilayaasha ayaa ku qancay xukunka Maxkamadda. Waxa ayna Maxkamadda ka horsheegeen ehellada Dembiilayaashu in aysan wax racfaan ah ka qaadanaynin xukunka Maxkamadda kuna qanceen.
Intaa kaddib, Odayaasha dhinaca Dembiilaha ayaa Maxkamadda horteeda kaga codsaday ehellada Marxuumka in ay ka cafiyaan qisaasta.

Ehellada Marxuumka ayaa Maxkamadda horteeda ka sheegay in ay aqbaleen codsiga ay Walaalahood u soo jeediyaan diyana ay ka qaadanayaan sida Sharcigu qabo.