Heemaal News Network

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Soo Gabagabaysay Dhagaysiga Dacwada Sayid Cali

Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan inuu xaaskiisa nolasha ku gubay, ayaa maanta markii labaad maxkamadda gobolka Banaadir kasoo muuqday, si uu u wajaho eedeymaha loo haysto.

Maxkamadda ayaa la horkeenay 4 marqaati, kuwaas oo 3 kamid ah ay ahaayeen goob joogayaal ku sugnaa meel aan ka fogayn guriga uu falku ka dhacay, waxaana maxkamadda la wadaageen wixii ay goob joogga u ahaayeen.

Marqaatiyayaasha ayaa bixiyay tilmaamo muujinayay in sayid Cali Macalin Daa’uud uu falkaan geystay, inkastoo eedeysanaha iyo qareenka u doodaya ay arrintaasi diideen.

Sayid Cali oo ay maxkamaddu siisay fursad uu isku difaaco, ayaa sheegay habeenkii uu falku dhacayay in xaaskiisa ay isku dhaceen, ka dib markii ay ka dalbatay sida uu sheegay ‘furriin’.

Waxa uu sheegay markii xaaskiisu ay furriin ka dalbatay in uu bannaanka aaday oo uu soo gatay naafto, una sheegay xaaskiisa inuu gubayo alaabta guriga u taala. Waxa uu ku doodday in xaaskiisa aysan isaga gacantiisa ku guban, balse ay ku gubatay dabka uu qabad siiyay guriga.

Xeer ilaaliye ku xigeenka maxkamadda, Yaxye Maxamuud Saciid ayaa codsaday in dil toogasho ah lagu xukumo eedeysanaha, isagoo sheegay in ay caddahay inuu eedesanuhu geystay falkaan.

Guddoomiyaha maxkamadda gobolka Banaadir ayaa sheegay in maxkamaddu fadhi saddexaad ay ka yeelan doonto ka doodista kiiskaan, mana sheegin waqtiga ay noqon doonto.

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Laba Beelood Oo Doorashadii Isku sidkanayd ku kala Dhintay Oo Caawa Heshiis kala Qortay

Heemaaln

Beesha Arab Oo Si Adag Uga Soo Horjeesatay Xeerka Doorashada Ururada

Heemaaln

Garaad Cabdilaahi Oo Lagu soo Dhaweeyay Xudun iyo khudbadihii Uu Jeediyay

Heemaaln