Maxkamadda gobolka Banaadir, ayaa soo saartay ammar ama waaran lagu soo xirayo Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ( Madoobe), oo dhawaan dib loogu doortay doorasho ka dhacday Kismaayo.
Warqada kasoo baxday maxkamadda gobolka Banaadir ayaa lagu faray taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jeneraal Asad Diyaano in uu soo xiro Axmed Madoobe lana horkeeno Maxkamadda.