Heemaal News Network

Maxkamadda Sare Ee Mareykanka Oo Shaacisay Inay Diidayso Codsigii Trump Ee Tiktok

Maxkamadda sare ee Mareykanka ayaa ka dhawaajisay inay diiddi doonaan codsi uga yimid madaxweynaha la doortay ee Mareykanka, Donald Trump si looga hortago mamnuucida barta bulshada ee TikTok haddii aysan iibin shirkadda ByteDance ee iska leh bartan ugu dambeyn maalinta Axadde ee 19 bishan Jannaayo,2025, balse wali shirkaddu waxay ku taagantahay mowqifka ah inaysan iibin doonin bartan.

Trump oo uga mahadcelinaya TikTok inay door weyn ka qaadatay ololihiisa doorashada uu ku guuleystay markii laga mamnuucay baraha kale ayaa iskudayaya dadaal uu ku bixinayo in joojiyo go’aanka looga mamnuucayo gudaha Mareykanka , taasi uma muuqato inuu ku guuleystan karo , iyadoo ugu dambeyn Axadda toddobaadka dambe laga saari doono barta TikTok dhammaan adeegyada telefoonnada oo App Store ku jiro ee gudaha Mareykanka.

Isla Trump , ayaa ah qofka furay faylka dacwada ka dhanka ah Tiktok muddo xileedkiisii hore, isagoo ku eedeyay shabakad la shaqeysa sirdoonka Shiinaha, wixii intaa ka dambeeyay shirkadda Shiinaha ee iska leh bartan ayaa lagu cadaadiyay inay ka iibiyo shirkad ama qof Mareykan ah si ay uga dhex shaqeyso gudaha Mareykanka, taa oo ay diidday shirkadda ByteDance.