Heemaal News Network

Mayarka Cali-xaydh Oo ka Hadlay Hawl-gal ay ku soo Qabteen Eedeysane Dil ka Gaystay Gabilay

Maayarka degmada Calixaydh Cabdiraxmaan Xasan Cabdalla ayaa bogaadiyay hawlgal ay ciidamada amniga ee degaankaasi ku soo qabteen eedaysane loo haysto dilka marxuun Alle ha u naxariistee Buux Mawliid Ismaaciil oo lagu dilay magaalada Gabilay badhtamahii todobaadkan.

Maayar Beetari ayaa xusay in ay ka go’an tahay ilaalinta amniga iyo la shaqaynta laamaha amniga.

Maayarka ayaa sidoo kale tilmaamay in eedaysanahan laga qabtay duleedka Calixaydh, kadibna ay u gacan gasheen ciidamada Booliska.

Maayar Cabdiraxmaan Beetari ayaa dadka ugu baaqay in laga shaqeeyo ilaalinta amniga ay Somaliland dheer tahay dalal badan oo geeska Africa ah, iyada oo markaas gacan la siinayo laamaha amniga ee heeganka ugu jira sugida amniga ay shacabka reer Somaliland ku gam’aan gabi ahaan toodba.

Suxufi Bili-bili