Heemaal News Network

Maydka Marxuum Dahable Oo Maanta Hargaysa Loo Dhoofshay

Allaha u naxariistee waxaa maanta magaalada Muqdisho diyaarad looga qaaday maydka gaasimihii waaxda diyaaradaha ee hey’adda duulimaadka rayidka Soomaaliya Cabdinaasir Muuse Dahable oo 18-ka bishan meydkiisa laga helay gurigii oo ku yaala Waaxda Janaraal Daa’uud, gaar ahaan Xaafadda Ceel Qalow.

Marxuumka ayaa loo duuliyay magaalada Hargeysa, halkaas oo ay dagan yihiin ehelladiisa, si loogu aaso.

Xildhibaano ka tirsan labada gole oo deegaan doorashadooda ay tahay gobollada waqooyi iyo mas’uuliyiin kale ayaa maydka marxuumka kusii sagootiyay garoonka Muqdisho.

Kiiska Cabdinasaair Dahable ayaa dhaliyay shaki xoogan, waxaana soconaya baaritaan ku aadan dilkiisa oo loo soo xiray illaa 6 qof, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Agaasime Cabdinaasir ayaa kaligiis deganaa guri ku yaalla garoonka Aadan Cadde, waxaa la garan waayey cidda ku dhex dishay gurigiisa.

Sidoo kale wuxuu dilkiisu sii xoojiyay xiisadda haatan u dhexeysa dowladda federaalka iyo Somaliland oo isku hayay arrinta maamulka hawada ee dalka.

Sawirka Guji Kadib Dhinaca Falaadha Midigta Ku Dhufo

Mawduucyo Laga Yaabo In Aad Xiisaynayso

Farmaajo Oo Nsiib-daro ku Tilmaamay Talaabada Lagu Ansixiyay Wax ka Badalka Dastuurka.

Heemaal

Dawlada Imaaraadka Carabta Oo Xaqiijisay In Sargaal Afaraad Uu U Dhintay Dhaawac.

Heemaaln

Ra’isul Wasaare Xamse Oo Furay Shirka Madasha Isku-duwidda Horumarinta

Heemaaln