Heemaal News Network

Maydka Wiil la Raadinayay Mudo Todobaad ah Oo Laga Helay Dooxa Hargeysa.(Sawiro)

Alle Haw Naxariistee Wiil dhalinyara oo lagu magacaabi jiray Cabdifataax Aadan Cismaan ayaa mardhawayd ciidanka Dabdemisku ka soo saareen Maydkiisa Dhir ku taala agagaarka Dooxa weyn ee magaaalada Hargeysa, gaar ahaan dhinaca xaafada New Hargeysa.

Ehelada Wiilkan ayaa ciidanka u sheegay inuu ka maqnaa muddo Todobaad ah, waxaana maanta maydkiisa laga helay dooxa weyn ee Hargeysa.

Ciidanka Dambibaadhista Booliska iyo Cisbitaalka weyn ee Hargeysa ayaa iyaguna hawlgalkaa Qayb ka ahaa, waxaana Maydka la wareegay ciidan ka CID da ee Booliska, oo ku wada Baadhis.

Ciidanka Dabdemisku wuxuu tacsi u dirayaa Qoyskii iyo Eheladii uu Marxuum ku ka baxay.