Heemaal News Network

Mid kamid ah Lataliyaasha Xasan Sheekh Oo Xukuumadda Xamse Tilmaan xun ka Bixiyay

Dowladda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hoggaamiyo ayaa la kulmeysa dhaleeceyn xooggan oo kaga imaaneysa siyaasiyiinta mucaaradka, bulshada Soomaaliyeed, kuwaa oo ku eedeenaya musuqmaasuq iyo boob ay dowladda shaqo ka dhigatay.

Iyada oo jirta in Xukuumadda Soomaaliya aysan ka jawaabin eedeymaha musuqmaasuq ee loo jeediyo iyo niyad jabka bulshada ka qaadeen dowladda hadda jirta, ayaa hadda waxaa dowladda toosh kusii ifinaya xubno katirsan Villa Soomaaliya.

Lataliyaha Madaxweyne Xasan Sheekh u qaabilsan xiriirka dowlad goboleydyada Mudane Mohamed Hassan Ibrahin Qoono ayaa qoraal uu soo saaray ku shaaciyay xukuumadda hadda jirta in ay tahay tii ugu xumeyd uguna musuqmaasuq badneed taariikhda dalka.

Qoono ayaa sheegay in xukuumadihii hore ee dalka soo maray wasiiradii katirsanaa ay ahaayeen kuwa tayo iyo karti leh, balse wasiiradda hadda katirsan Xukuumadda Xamse Barre yihiin kuwii ugu tayada xumaa ee dalka soo mara.

Waxa uu sheegay lataliyaha Madaxweynaha Soomaaliya , in tayo xumada wasiiradan ay keentay in aysan jirin isla xisaabtan dhab ah, uuna wasiir walbo wasaaradda loo dhiibay ka dhigtay gurigiisa oo kale waxa uu doonana sameeya.

”Soomaaliya waxaa soo maray wasiiro kala duwan ilaa xukuumadii 1956 waxeyna ahaayeen wasiiro tayo leh, Balse Kuwa hada dalka joogo waa kuwii ugu tayada xumaa,uguna musuqmaasuq badnaa ee soo mara golaha wasiirada, waxaana sababay majirto isla xisaabtan joogta ah sidaas awgeed wasiir walba waxa uu wasaarada uu joogo ka dhigtay gurigiisa oo kale. Waxaan Raiisul Wasaaraha Xukuumada Federal ka kula talinaa in uu dib u eegis ku sameeyo golaha wasiirada” ayuu yiri Talaiye Qoono

Ugu Dambeyn lataliye Qoono ayaa ugu baaqay Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in uu dib u eegis dhab ah ku sameeyo wasiiradda tayada xun ee katirsan xukuumadiisa, kuwaa oo ku calaameysan musuqmaasuq iyo tayo xumo.